Qoritaankii far soomaalida iyo hirgelinteedu waa libinta ugu weyn ee u
soo hoyatey meel ay joogaanba dadka af soomaaliga ku hadla nus qarnigii
u danbeeyey. 1972 oo ah xilligii lagu dhawaaqay qoridda iyo hirgelinta
afsoomaaliga waxa laga joogaa 33 sannadood. Waxa mahadhaysan oo la yaab
ah in aan muddadaas mar kale dib loo jalleecin far soomaalida iyo
xeerarkii qabyada ahaa ee guddidii guushaasi soo hoysey ay dejisey.
Afafka iyo xeerarka lagu abyaa waxa ay isla beddelaan casriga iyo geeddi
socodka nolosha bulshooyinka. Waxana luqaduhu u baahdaan daryeelka iyo
kobcinta ilmaha yar ee la barbaarinayaa uu ka dalbayo waalidkiisa mid la
mid ah.
Dayactir la’aantaas ku habsatey afsoomaaliga, waxa ka dhashay dhibaato
weyn oo horseedaysa tayo la’aanta iyo liidashada qoraalkiisa, iyada oo
aynu maanta u jeedno jahawareerka ereyga qoran ee afkeenna iyo xaaladda
jaantaa roganta ah ee qofba sida uu doono xagaafka u qaadsiinayo qalinka
ama qoraalkiisa ee aan soohdinta lahayn.
Dhinaca
kale dhaqanka dhigaalka iyo ereyga qorani waa meselo ku cusub
dhaqankeenna hadlaaga ah. Arrintani waxa ay noqotay cillad kale oo jid
gooyo ku samaysa hirgelinta ereyga qoran ee afsoomaaliga. Taasi waxa ay
dhalisay in qoraalkii afsoomaaligu ku agoomoobo oo ku ab iyo isir beelo
bulshada dhexdeeda, qoraagiina waayo dhiirri gelin uu ugu hollado inuu
wax qoro, waxna soo saaro. Tusaale ahaan dadkeennu badi ma aqoonsana in
kutubta iyo buugaagtu la mid yihiin ganacsiga kale ee alaabooyinka kala
duwan, sida dharka iyo raashinka.
Xaaladahaas waxa soo raacaya daryeel la’aan dul gawdiidsata qorayaasha
laftoodii. Waxa meesha ka baxay qarankii gacanta u fidin lahaa ee maal
gelin lahaa ama ka taageeri lahaa qalinlaha maskax maalka ah dhinaca
dabacaadda iyo suuq geynta wax soo saarkiisa hal-abuurnimo, waxa cidla’
ciirsila mutay oo bulshada meel ka waayey wax soo saarkiisii maskaxeed,
dabadeedna waxa dhacaysa in qoraagii uu qalinkiisa hakiyo oo naftiisa
meel kale ula foof tago, taasina waxa ay keenaysaa maskaxdiisii oo
gabnowda ama gudhaba, halkaana ay hibadiisii ku baylahdo, kuna dul
qaadho ama kuba duleed dhimato.
Mushkilad kale oo naxdin leh ayaa badhitaarka iyo hirgelinta qoraalka
shafka ku haysa oo raaf-danbeed ku qodaysa. Waxay tani ka soo jeeddaa
xaaladda guud ee sal la’aanta iyo qasaawaselelka siyaasadeed, degganaan
la’aanta iyo ruxanka maanka ee qoraaga iyo akhristayaashiisa. Sas iyo
dala’si ayaa meel walba cidhiidhi ku haya oo gabagabaynaya. Wax walba
waxa ku mutuxan shaki iyo is diiddooyin ku xidhiidhsan xaaladda guud ee
wada naca iyo naxliga ah.
Tusaale
buugga HAL KA HALEEL ee Sooyaalka iyo Suugaanta Hadraawi, waxa aan suuq
geyntiisa ka bartay wax badan. Jeldiga Hal Ka Haleel midabkiisu waa
saxaraawi, waxana jeldigaas xaggiisa hoose ka bilaabmaya wax hummaag
ahaan u eg biyo ama hadh (hoosiis) kor ugu sii fidaya buugga jeldigiisa,
si quruxda jeldigu il-qabatin u yeelato oo midabkiisu u badhxanaado.
Haddaba waxa soo baxay dad aan yarayn oo Reer koonfureed ah oo hummaag
tilmaameedkaas ku sifaynaya inuu yahay ama looga gol leeyahay
Khariidadda Somaliland oo sawrac ha joogtee xitaa aanay isku soo sansaan
ekayn sawirka jeldiga buuggaas! Dhinaca kale dad aan yarayn oo ka soo
jeeda Somaliland ayaa iyana buuggaas ku duraya in aan magaca Somaliland
lagu soo qaadin oo meelna lagaga xusin, iyada oo haba yaraatee aanu
buuggu mawduucaas wax xidhiidh ah la lahayn! Mushkiladdani waa mid jid
gooyo ku ah oo sidii maraboobta ugu maran qoraal ama buug kasta oo soo
baxa. Naqdiga iyo faaqidaaddu waa biyo kama dhibcaan meel weyn ka
fadhiista hal-abuur oo dhan, hase yeeshee tan aan ka hadlayaa kuma
xidhiidhsana arrintan muhiimka ah.
Wax
walba waxa lagu eegayaa oo ku mudan indho siyaasadaysan oo mugdi u
keenaysan ama u faruuryo xidhan. Waxa wax lagu miisaamayaa aragti caabuq
diloodey oo sumaysan; colaad iyo xumaani ka buuxdo oo cuqdadaysan.
Haddii siyaasaddii lagu kala fogaadey miyaan la wadaagin afkan lagu wada
hadlayo, wax lagu wada akhrisanayo, suugaantiisa iyo hiddihiisa, iyo
nolosha kale ee ballaadhan ee guur leh, ee xidid iyo xigaalba leh, ee
dareen-wadaag leh, ee saaxiib iyo macaariif leh, maxaa wax walba looga
raadinayaa ama looga ursanayaa boogta siyaasadaysan haddii aanay xitaa
siyaasadba shuqul ku lahayn.
Gababagabadii waxa aan soo jeedin lahaa dhowrkan qodob ee u sii
heetinaya dhanka xalka, si aanay u raad gadmin, una tasoobin libintii
hirgelinta far soomaaligu:
1.
in la
raadiyo cid iyo meel lagaga hawl galo sii horumarinta iyo kobcinta afka
iyo farta soomaaliga, iyo in ka baaraan deg lagu sameeyo qabyatirka
meelaha daldaloolladu ka soo baxeen xeerarkii guddidii afsoomaaligu
dejiyeen. Tusaale ahaan waa lama huraan in la abuuro guddi ehel u ah,
aqoonna u leh cilmiga afafka, kana soo kala jeedda gobollada iyo
degaannada afsomaaliga lagaga hadlo
2.
in la
dhiirri geliyo abuuritaanka iyo kobcinta madbacadaha, rugaha kutubta ee
maktabadaha iyo rugaha biic gelinta ama iibinta iyo qaybinta buugaagta
3.
in
qalinka iyo qoraalka lagu ekeeyo soohdinta xeerarka la isla oggol yahay
ee la isla qaatay, wixii cusub ee soo baxana la ururiyo oo lala sugo
inta loo helayo meel lagu kala shaandheeyo
4.
in la
dhiirri geliyo dhaqanka ereyga qoran oo la qaato, lana quudho in la
iibsado buugaagta aan badnayn ee ilaa iminka la qoray ee suuqa ku baali
garoobaysa, taas oo dhiirri gelin u ah qoraaga, faa’iidana u ah
akhristayaasha, waayo laguma hungoobo, khasaarena ma leh wax akhrisku,
‘ereygii qoran baanay quruumo dhaxlaan’!