JANAALE.COM 
www.janaale.com - KU XAYEYSIISO GANACSIGAADA

 

 Home Gallery Music Sport Contact   

 
 

 

              Weriye Maxamed Roberto oo ka tirsan weriyeyaasha Universal TV iyo janaale.com

 

Weriye Paolo Di Gianantonio waa weriye ka tirsan telefishinka talyaaniga ee RAI1 weybtiisa wararka. Waxaa wareysi ku saabsan xariga weriyeyaasha TV-ga Universal qeybta Muqdisho wareysigiina sedan ayuu u dhacay.

 

Bidix Maxamed Roberto Universal TV, janaale.com  iyo Paolo Di Gianantonio oo ka tirsan telefishinka talyaaniga Rai1

 

Waxaa intii bil ah ku jira xabsiyada muqdisho labo wariye oo ka tirsan telefishinka seed u aragtaa?

Waxa ay ila tahay arrin aad u xun oo khuseysa soomaaliya, soomaliya keliya ma ahan xitaa meelo kale, oo adduunka ka tirsan, marka ay wax xumadaan, la iskuma dayayo in wax la toosiyo haseyeeshe waxaa xabsiga la dhigaa wariyeyaasha ka hadla, waana wax xun oo aan loo dulqaadan karin.

Ma ka dhacdaa wadamada dimoqoraadiga ah ama tiigsanaya dimoqoraadiyad arrintan oo kale?

Waa ay ka dhacdaa xitaa waddamada dimqooradiga, haseyeeshe waa wax aan la aqbali karin. Waa ey dhacda waa fadeexo aan la oggolan karin

 

Dalalka soo koraya inta badan waa lagu xad gudbaa maxay ka qaban karaan arrintaas ururada suxufiyiinta ee talyaaniga?

Waa in la ogaadaa wariyeyaashan,  inay xiran yihiin hadda ayaan ogaaday, marka hore waa inla fìdiya akhbaarta la xiriirta xariga wariyeyaasha, isla markaasna la cambaareeyo, si markaasi cadaadiis  wariyeyaasha talyaaniga ay cadaadis u saaraan ururada siyaasadda, wasaaradda arrimaha dibadda wee talyaaniga, wadajirna cadaadiis loo saaro dawladda soomaliya, si waxaan oo kale aanay mar dambe u dhicin.

Ugu dambeyntii maxaad u soo jeedin lahayd dawladda Soomaaliya ee ku aadan sida loola dhaqmo weriyeyaasha?

Waxaan waraysi la yeeshay dhowr sanadood ka hor mar aan tagay magaalada gaalkacyo, halkaasi oo aan ku bartay madaxweynaha. Waxaana ka codsan lahaa dawladda soomaalida inanay waligeed ka baqin, waxaa ay ka hadlaan wariyeyaasha, xataa warar aan dawladda u fiicneyn haddii ay tahay, maxaayeelay waa basaaboorka dimooqradiyada, oo u fiican dawladda. Xabsiga ka soo saara weriyeyaasha oo si dhaqsiyo leh u sii daaya ayaana dhihi lahaa.

 


 


Copyright(c) 2001 Nritti riserva i.

 
 

 

JANAALE

SHABEELADA HOOSE

BEERAHA JANAALE

BACAAD CELINTA SHALAAMBOOD

DAMEER SOOMAALI

GEED QURAC AH

 

SHABEEL

RAMADAN GREETING CARDS