SOOCELINTA
QARANIMADA SOOMAALIYA
Sidaan la socono waxaa dhowaan dhalatay
dowlad soomaaliyeed oo ku meel gaar ah, kadib markii uu cadaadis ka yimid
caalamka aduunka. Waarida ama jiritaanka dowladdan ayaa ku xiran
masuuliyadda ay hogaamiyeyaasha maamulka haya isa saaraan iyo taageerada
ay ka helaan shacbiga soomaaliyeed.
Dowladi meel walba oo aduunka ahba ha
ka jirtee marnaba ma dhisanto ama waarto hadii ayan taageero ka heysan
shacbiga halkaa ku nool. Hadii la doonayo in lahelo shacbi taageeraya
dowlad, kana qeyb qaata si firfircooni ah hab siyaasadeedka waddanka waan
in la helaa shacbi aqoontiisa sareyso. Qofka muwaadinka soomaaliyeed ee
maanta jiraa waa inuu bartaa inuu dantiisa ilaashado, inuu xil qaado si uu
uga qeyb qaato doodaha iyo waddahadala. Hadii ay waxgarashada qofka ay
hooseyso ama ay qaldantahay waa in markaa la helaa awood qaran oo qasbeysa
qofka shaqsiga ah si shacabka dhexdiisa loo kala nabadgeliyo
Aanu
niraahno qaranku wuxuu ka kooban shakhsiyaad ismaamula kuna nool xuduud
wadaagana dhaqan, diin, luqad iwm. Muhiimadda ugu horeysa ayaa waxay tahay
in marka hore shaqsiyaadkan wadda nool isu arkaan shakhsiyaad siman kana
dhaxeyso dareen wadajir ah wadaagana kheyraadka iyo hantida ka jirtaa
halkaa ay ku nool yihiin. Haddaba hadii aynu niraahno aynu isku qeybino
kooxo kooxo, koox walibana iyadu ha is qeexdo lama gaarayo markaa sidaan
qabo wax xal ah. Natiijadu waxay noqonaysaa in la helo burbur iyo
tafaraaruq kuyimaada qaranka dhexdiisa ugu danbeyntana dhaliya (fowdo)
anarchy. Waxaanu isniri adigu waxaa tahay Midgaan, jareer , adigu
lahjadeyda aya kaa wanaagsan, adinka anagaa idinka badan, anagaa idiin
talin jirnay ama anaga idinka hanti badan iwm. Tani waxay ka mid tahay
sababaha dhaliyey burburka ku yimid qarankii soomaaliyeed.
Siyaasadu
waa inay noqotaa mid dhexdhexaadisa danaha kala duwan ee ay leeyihiin
shakhsiyaadka ku nool qaranka dhexdiisa waana inay jirtaa kala soocnaan
cad oo udhaxeysa hantida qaranku leeyahay iyo mida shaqsiyeed. Sharcigu
waa inuu ilaaliyaa shaqsiga hantidiisa siiyana fursad uu ku gaaro dantiisa,
halka siyaasadu ay katahay tartan lagu tartamayo awooda maamulka si markaa
danaha shakhsiyaadka loo daboolo.
Maadaama
shakhsigu dantiisa udadaalo gaaritaankeeda ayaa waajibaadka dowladu tahay
in baahida shakhsiga ay daboosho. Hadii dowladu kasoo bixi weydo wax
kaqabashada baahida shakhsiga waxaa imaanaysa in shakhsigu dantiiraac
noqdo isla markaana uusan eegin danta shakhsiyaadka kale ee kunool qaranka.
Waxaa imanaysa in uu yaraado fahanka shakhsiyaadka kale iyo baahidoodaba
taasoo ugu danbeyntii dhalisa is af-fahanwaa iyo dagaalaba.
In lagu
hortago burbur inuu ku yimaado qaranka waan in ay waajib noqotaa shakhsi
walba inuu ilaaliyo hantida iyo danta bulshada isla markaana ka qeyb qaato
maamulka bulshada, tan ayaan sidaan horey u sheegay ubaahan in
shakhsiyaadku leeyihiin waxbarasho/waxgarasho sareysa.
Xalka
dhismaha qaranka soomaaliyeed :
1-
Kaladuwanaan, dulqaad iyo ka hortaga cunsuriyada
Waxaan ula
jeedaa waa in haddaanu soomaali nahay aqbalno dhowrnana shakhsiyaadka
kunool Soomaaliya oo dhan hadii ay tahay isirnimo, lahjad, taariikh iyo
dhaqanba. In dadku simanyahay Ilaahay iyo adanaha hortiisaba. Dugsiyada waa
laga baraa caruurta dulqaadka, xuquuqda iyo sharafta uu ilaahay siiyey
dhamaan umadiisa muslimka ah iyo ka hortaga cunsirinimada. Muwaadiniinta
oo dhan waa in ay helaan fursad ay u simanyihiin sharciga hortiisa, xuquuq
isku mid ah iyo helitaan fursad dhinac dhaqaale, waxbarasho,siyaasadeed,
bulsho iwm.
2-
Waxbarida siyaasiyiinta iyo shacbiga
Waxaan ula
jedaa hadii la doonayo in la helo siyaasiin iyo institushino dowladeed oo
wax qabad wanaagsan leh waa in kor loo qaadaa heerka waxbarashada. Markay
tahay musuqmaasuqnimada waxaanu leenahay qeexid ka duwan tan dhabta ah.
Mararka qaarkood waxaa dooneynaa inaanu helno qof masuul ah oo anaga ehel
ahaan inoo dhow, si aanu u helno fursado ayan shaqsiyaadka kale helin.
Musuqmaasuqnimada ma aha oo kilya in laaluush la qaato ee waxaa soo raaca
oo kale in si xun loo isticmaalo hantida shacbiga, in si qaldan oo
isticmaalo awooda maamul ee lahayo iwm. Marka dhamaan waa in la fahmo
markii lala dagaalamo musuqmaasuqnimada waxaa dhalanaysa maamul waxqabad
leh, kor u qaadaysa maalgelinta wadanka islamarkaana kor uqaadaysa nolosha
bulshada.
3-
Xoojinta lahaanshaha hantida iyo yareynta faragelinta dhaqaalaha
Waxaan ula
jeedaa hadii la xoojiyo lahaanshaha hantida waxay suura gelinaysaa in
soomaalidu ay awood uhelaan wax ka qabashada xaaladooda. Markii
shakhsiyaadku ay xilqaadaan ganacsigooda waxaa yaraata ubaahnaanshahooda
hantida qaranka dhalinaysana in isbedel iyo horumar dhaqaale lahelo.
Hadii
siyaadu ay badato faragelinteeda dhaqaale waxaa yaraanaya maalgelinta
shisheeye waxaana yimaada musuqmaasuq iyo ukala eexashada shakhsiyaadka
tartanka ganacsi ka wada waddanka. Waxaa kaloo iyadana meesha ku jirta in
hantidii lakala boobay sababtana uu uyahay dagalkii sokeeye oo Soomaaliya
in laysku wareejiyo. Marka shakhsiga latuso in dowladu damaan qaadeyso
lahaanshaha hantidiisa, amaankiisa iyo xuquuqdiisa baniŽaadanimo waxaa
imanaysa inuu masuuliyad noloshiisa ah qaado hadii kale wuxuu xilkiisa
faraha ugelinaya siyaasiyiinta maamulka haya tanoo ah midaan wanaagsaneyn.
4- Bedelida fikradaha
Waxaan ula jeedaa in aanu bedelo sida
qaldan ee aan mararka qaarkood u fekarno. Fikrada qabiil ayaa waxay tahay
nagu weyn. Waxaa jira rabitaan balaaran maanta oo ah in lala dago dad
sidaanu aaminsanahay aanan ubaahneyn inaan ka cabsano (dad nagu qabiil
ah), weliba kadib markii ay maskaxdeenii weli ku jiro dagaalkii sokeeye ee
Soomaliya iyo welibana ay jirto cabsi aan ka qabno kuwa maamulka haya.
Hadii aan rabno inaanu ku guulaysano ka
dhalinta nabada ee Soomaaliya waa inaan qaadno talaabooyin ad adag
bedelnana ku fekarka qabyaaladeed. Waa lama huraan in cunaqabateyn
siyaasadeed lagu soo rogaa maamulayaasha ku xadgudbay sharafta iyo
xuquuqda shacbiga soomaaliyeed iyo weliba in ilaalo adag lagu hayo
saxafadaha kala duwan(Media). Saxaafadaheena oo aan qabo inayan ka
faaiideysan fursadahii qaaliga ah ee ay heshay ka dib burburkii dowladii
Siyaad Barre.
Hadii aan dooneyno inaanu helno mucaawimo
dib udhisida qarankii soomaaliyeed, mid xuquuq baniŽaadanimo waan in aan
aqbalnaa faragelin dibadeed. Madaama ay sax tahay in qaran walba uu xaq
uleeyahay inuu iskii isku xukumo, waxaa hadana jirta marar qaarkood oo loo
baahanyahay in lakala dhexgalo kooxaha isku haya wadamadamada gudoohooda (dagaalada
sokeeye). Akhristow waxaa ogaataa in dagaalada maanta dunida ka socda
intooda badan ay yihiin dagaalo sokeeye oo wadamada gudahooda ka dhex
socda tanoo ina tusaysa in loo baahan yahay fekar kale.
Hayaan Cabdisalaam Ismaaciil,
Stockholm
Maamule hayŽadda shaqada ee
Sweden
hayan74@hotmail.com