S-Bal
marka hore wax inooga sheeg xoolaha Soomaaliya iyo
dhaqash-adooda?
J-
Khayraadka ugubadan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha
nool. Dalka soomaliya oo 70% wax – soo sarka guud ku
xidhan yahay ganacsiga xoolaha nool iyo waxa ka soo
baxa. Xoolaha qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag
adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag.
Waxaa kale oo laga helaa harag, oo manafacaad kiisu aad
u badan yahay.
Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan
geel, lo' iyo adhi, fardo iyo digaag. Qiyaas ay samaysay
Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo
beeraha (Fao sannadkii 2002), waxay sheegtay in xoolaha
ku nool Soomaaliya ahaayeen 41.233.800 million. Kuwaas
oo ka koobnaa:-
-
5,300,000
Neef - Lo'
-
6,200,000 Neef - Geel
-
13,200,000 Neef - Ido
-
12,500,000 Neef - Riyo
-
33,000 digaag ah
-
800 Neef - fardo
Waqtiga
qiyaastaas kore lasameeyey (2002), tirada dadka
Soomaalidu waxaa lagu qiyaasay 9.150 million ( 2001
Fao). Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba toddobatan (70%)
waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.
S-
Dr.
Rashiid haddii aan soo qaadanno lo'da soomaaliyeed oo
dadkeenu aad u dhaqdaan,
lo’da
Somaaliya intee u kala baxdaa?
J-Marka
hore inagoo uguda gelin jawaabta, waxaa aniga ila quman
inanaynu marka hore eegno taariikhda
lo’da soomaalidu dhaqato meesha
ay
ka soo jeedo.
Haddii aan eegno cilmi
ahaan lo’du aad bay u badan
tahay
waxaana jirta in lo’da marka hore loo kala qaybiyo “
lo’da duur joog ah iyo lo’da dab joog ah”, haddab aynu
ka soo qaadano lo’da dab jooga ah ( Domestic Animal),
laguna magaacaabo
Bos Bue.
haddaba Bos bue,
ayaa waxaa loo sii
kala
qaybiyaa A)
Bos Indicus (Zebù)
iyo
Bos tuarus
( waana nooca lo’da lagu dhaqdo
Yurub), sidaa daraadeed ina goo halkaa ka soo degeyna
Lo’da Somaaliya lagu dhaqdo
waxaay ka soo jeedaa
Bos Indicus (Zebù).
Haddaba
anigoo
ku dadaalaya sidaan kusoo koobi lahaa siday lo’du ku soo
gashay dalka soomaaliya, lo’du waxay sideedaba taariikh
ahaan naga soo gashay galbeedka Asiya, waxaan lugu
tilmaamaa inay ka soo jeedo dalalka Iran, Ciraaq
iyo Hindiya (Hindus Valley).
Wadamadaa
aan kor ku soo xusay waxaa naga soo galay lo’da kuwa
geesaha dhadheer iyo lo’da geesaha gaa gaaban, wakhtigii
fircoonada ayaa lo’da geesaha dhaadheeri soo gashay
dalka Masar, halkaa waxay uga soo gudubtay dalka Suudan
kadibna waxay u soo gudub tay dalka Itoobaya, kadibna
Soomaaliya sidaa ku soo gadhay, waxaana la waada ogsoon
yahay in lo’da geesaha gaagaban ay ku soo horeeyeen geeska
Afrikada Bari, sidaa daraadeed geeska Afrika bari waxaa
lagu tilmaamaa meesha ay igu galmoodeen lo’da geesa
dhaadheer iyo ku geesaha gagaban halkaan waxaa ka
dhashay lo’da lagu magacaabo
Sango
oo hadda ku badan wadama
Afrikada dhexe, xaaladu si kasta ha ahaatee lo’da
soomaaliya badanaa waxaay inoo soo martay gacanka
Cadmeed, waxaa
lo’da soo galiyey
wadanka Soomaaliyeed ganacsatadii markaa ukala gooshi
jiray waddamada carbeed.
Sidaa
daraadeed lo’da Soomaliya dhaqato oo lagu magacaabo
Zebù
waxay waxay ka soo jeedaa
galbeedka Asiya iyadoo lo’daa laga soo gudbiyey gacanka
Cadmeed, kana koob need lambar aad uyar intii
udhaxaysay
3.000 –3,500
ciise hortii, waxaa lo’da aad u xushay oo jeclaaday
xoolo dhaqatada soomaliyeed. Haddaba xoola dhaqatadu
maxay ku xulatay lo’da Zebu? Waxay ku xusheen labo
sababood owgeed, A) tan hore oo ah waxay u adkaysan
ogyihiin cimilada kulul ee qalalan, B) mida xigtana
waxay adkaysi u leeyihiin
cudura , sidaa daradeed
Zebù
waxay noqotay lo’da maanta lagu
dhaqdo geeska Afrikada bari gaar ahaan dalka Soomaaliya
iyo wadamo kale oo ka mid ah geeska Afrika. Haddii aan
idhahdo lo’da Zebù
ayaan sii kala saarayaa, waxaa ila
quman inaan sidaa ku daayo, oo
markale ka hadlo
v
Boran,
oo ku fidsan koofurta Soomaaliya siiba seddex xagalka
xuduudaha Soomaliya , Kenya, Etoobiya.
v
Surqo, hiddo ahaan
waxay ka soo jeedaa isutaga Sanga iyo Zebù , waa loda
bara-baraha dusha ku leh ee gesaha dhaadheer oo xoogan,
waxayna ku fidsan tahay sh/hoose waxaadna badanaa kula
kulmaysaa jidka dheer ee afgooye ilaa barawe , jidka
markaad ka baxdo oo u baxdo shalaan-bood iyo qoryooley,
ayey aad ugu fidsan tahay.
v
Dawaara, waxaay
lo’dani ku fidsan tahay wabi sheele wixii dusha ka xiga,
gaar ahaan waxay ku fidsan tahay Afgooye ilaa wala-wayn
, buur- xakaba , waa lo caano badan marka loo eego nooc
yada kale.
v
Gassara,
lo’dani waxaad ka helaysaa wixii ka hooseya wabi
shabeele, waxaya lodani aad ugu fidsan tahay agagaarka
gobalka banaadir
v
iyo waxaa kale oo jira sida Zebù ga
waqooyiga soomaliya. oo ku fidsan gobalada w/soomaaliya
S-
Dr. Rashiid bal geelana guud ahaan inooga waran iyo
weliba noocyada soomaalidu dhaqato?
J-Anigoo
si kooban uga hadlaya geela , tariikhda geellu waxay soo
bilaabmatay 4000 sannadood ka hor, waxoolo, geelu
waxaa uu adkaysan karaa cimilada heerkulkeedu yahay
36.5°c-42°c, haddaba geelu waxaa uu u
adkaysan ogyahay haraadka ilaa iyo muddo sodon casho ah.
Haddaba
noocyadda geela Soomalidu dhaqato
haddii
aan ka hadlo noocyo ka mid ah:-
-
Seef, da’ar
(seef -decar):- nooca geelani, waa geel aad u
dhaadheer, oo aad u xoogan, waana geel ku fidsan,
galbeedka iyo koofur galbeed ee soomaliya, siiba inta
u dhaxaysa gobalada Bay, Bokool, Gedo, Sh/hoose (
W/Wayn) iyo qaybo ka mid ah gobalka Hiiraan waana
geel ku caana xaaga hilibka
-
Hoor:-
nooca geelani, waa geel aad u gaagaban oo aad u
dheereya, waana geel aad u caano badan , geelani waxaa
uu ku fidsan yahay w/ soomaliya, ha ugu badnaato
dhulka Sool ka ah hawdka iyo qaybo ka mid ah
W/Soomaaliaya, waxaana odhan karnaa waa geel
nugaaleed.
-
Eydimo
( aydiimo):- geelani waxaa uu dhaxeeyaa
labada nooc ee geela aanu kor ku soo xusnay, waxaa uu
ku fidsan yahay, howdka, gobalada dhexe, Sanaag, iyo
obolo kale oo ka mid ah w/soomaliya.
Haddii
aan eegno xidhiidhka ka dhaxeeya gella iyo geel jiraha.
Waxaa
jirta maah maah odhaynaysa “ Geel jire isqabtay
Geeliisa uun baa heshiisiya” halkaa waxaa inooga cad
inay jirto xidhiidh wanaagsan oo ka dhaxeya geel jira
iyo geela, waxaa jirto inoo geel jiruhu lahadlo geeliisa
isagoo u qaadayo heeso, si uu dareen siiyo hadba mar
xalada lugu jiro siday tahay, hiddii aan ka taabto ama
isku dayo heesa geela qaar ka mid ah iyadoo aan aad iyo
aad u soo gabinayo waxaa ka mid ah.
Geela marka uu ceelka
isa soo tubo:-
Ø
Aan hu humanee hubka dhiganee inyar noo
hoggo
Geela marka la
waraabinayo:-
Ø
Shifo ku af- saaar shar kuuma leh ku waan
kuu shubee shifee ku shubo.
Ø
Ceel la dhaafiyo dhamaan miduu yahay bal
dhadhami dhuub.
Ø
Hormo kaa timid oo hor waynihii hoori
kululaal oo raga haya howl u adkaa.
Ø
Waxay hugmaan amay la hadlaan waa wax
harag adhi oo hareer go’an hoosta kaga jira.
Heesta loo qaado marka
ugu horaysa ee geelu biyaha afka saaro:-
Ø
Faruur
dhabadkaa nin fudud iyo fuluhu ka cabsoo, fariidkuna ku
raac.
Marka uu geelu ka fulayo
ceelka:-
Ø
Kaaga naga fulay aan fogayn foodhi gaaban
iyo faataxo ayaan ku faray.
Ninka geela
fuluyey dardaaran:-
Ø
Wiilka geela fuliyoow feedin cows liyo
foojigo ogoow yaan lagaa furan.
Geela marka
la caraabinayo , si nabad ah:-
Ø
Soo caraabadu caafimaad iyo caano kuuma
leh
Waxaa
jirta inay heesa geela ee aan kor ku soo xusay ay aad
ubadan yihiin, waxaan heesa geela ka mid ah marka uu
geelu jalaqlaha yahay, markaa intaa kore bal hadda aan
ku koobo. Waxaa kale oo jirta haddii aan ka hadlo magac
yaddda geel. Geela marka magac loo bixinayo waxaa loogu
magac bixiyaa sabab ama marxalad markaa jirta oo
khusaysa xoolaha, waxaan magaca loogu bixiyaa, sida
caano bandni ama caano yaraan, quruxda ama foolxumada,
dheeranta ama
gaabnida, xooluhu dhulka uu ku nool yahay noocuu yahay,
xiligii neefku dhashay, haddii neefka uu yahay neef
dagaal lagu kala qaatay oo dib laysugu soo celshay IWM.
Haddii aan magac yadda geela qaarka mid ah ka soo qaato
waxaa ka midah.:-
Hoobis, Habays, Hoos, Hadhays, Hiilaad,
Hoobaan, heetis, hoojis, hubaal, Hiddo, Cartan,
Baarwiil, Basra, Bila, Beedha, Buuqa,Aaran, Maahir,
Gooni, Goray, Ciyaal, Camal, siidays, buuqa iwm.
Haddaba
xoolahaa aan kor kusoo xusnay ee maanta dalkeena ay ku
nool aynu inaguna ku noolnahay, waxa aad ulita
manafacaad kooda iyo wax soo saarkooda sida, caanaha,
hilibka, iyo hargaha dadkii hore ee xoola dhaqatada ahaa
xoolahan waxay u dhaqdeen kor ayaan ku soo xusay. Hadda
maanta waxaa loo baahanyahay sidee kor loogu soo qaadi
lahaa tiradoo iyo tayadooda.
Waxaana
markasta aynu iloobi karin sababta ay soomaalidu u
dhaqato geela, sababtu waxay tahay inay ka helaan
sida,inay ka helaan Caanaha, Hillibka, Haraga,
Gadiid ahaan, inay ku faanaan iyo inay iib sadaan.
S-
Maxaa hortaagan
horumarka xoolaha iyo sidee loo horumarin karaa
tayadooda?
J-Haddi
aan ka haddalno waxaa hortaagan horumarka xoolaha
Soomaaliyeed, waxaan odhan karnaa waxaa ka mid ah,
Cudurada ku dhaca xoolaha, Roobabka kada’a dalka
soomaliya oo aad uyar ama u xadidan, roobab oo yaradana
ay sababayso in lawaayo manafacaad kay xooluhu ku
noolan lahaayeen, iyo habka xoolo dhaqashada oo aad u
lidata.
Habka
ugu haboon ee lagu horumarinkaro xoolaha soomaaliay
waxay tahay.
ü
In marka hore la habeeyo ama la meel
mariyo in la sameeyo Shaybaaro lagu baadho cudurkii iyo
waxa uu cudurku ka dhashayba, shaybaarkaa oo samaxaya in
horumar laga gaadho habkii loo ilaalin lahaa ama looga
hortigi lahaa cudura ku dhaca xoolaha.
ü
In la diyaariyo tababaro khaasa oo la sii
nayo kalkaa liyaasha caafimaadka xoolaha iyo xoolo
dhaqatadaba.
ü
In xidhiidh lala sameeyo hay addaha
caalamiga sida ILCA “ INTERNATIONAL
LIVESTOCK CENTRE FOR AFRICA si looga hello wixii mac
luumaad ah ee ku saabsan xoolaha nool.
ü
In dadka la wacyi galiyo loona sheegana
dhibaatooyinka ay lee yihiin cudurada ku dhaca xoolaha
iyo cuduradu waxay kala yihiin iyo sida ay xoolaha ugu
kala dhacaan, wacyi galinta in dadk wax loo sheego waxaa
loo adeegsan karaa “ Tv, Idaacadaha, Jaraa i dada, oo
maanta kaba sii fiican waxaa la edeegsan karaa
Intetnetka”.
ü
Inla sameeyo xarun dhexe oo cilmi baadhis
ü
Inla sameeyo lays kuna xidho hayadaha
madaxa banana iyo macadyadda dowlada
ü
In la kordhiyo ama kor loo qaado wax soo
saarka xanaanada iyo daawaynta xoolaha sanadkiiba,
haddii ay suurto gal noqonayso.
ü
In si’aad iyo aad ah kor loogu qaado
sidii horumar fiican looga gaadhi lahaa hidda xoolaha
iyo habkii loo xuli lahaa xoolo tayo iyo manafacaad
wanaagsan leh.
ü
In la diyaariyo talaalo si looga hortago
cudurada taas oo aad muhiim u ah, lana helo talaalo
qiima hoodu aad u jaban yahay.
ü
In haddi ay awoodu saa maxdo in lahelo
sii looga qodi lahaa ceelal meelha ay degaan reer
guraagu, taana lagala kaashado hay addaha deeqaha
bixiya.
ü
In si xoog leh looga shaqeeyo
horumarinta reer miyiga, laguna dadaalo sidii looga
shaqayna lahaa in loo gudbiyo wixii macluumad ah , ha
noqoto tabar iyo taagba.
Hadda
taladu waxay tahay in dadka soomaaliyeed aad loogu
jiheeyo ka faa idaysiga khayraadka badda, in lagu da
daalo sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka kaluunka (
ama malayga), yacnii cunisdtiisa, in kor loo qaado
dhaqashada digaaga, dadkana lagu wacyi galiyo inay
cunaan hilibka digaaga, iyo ukuntaba ( beedka), yacnii
markaan taa ka hadd layno waa in lahelo ama kor loo
qaado tirada dadka cuna, .
Umada soomaliyeed waxaa
ka maqan inay qiimo sare u yeelaan xoolahoo iyo
manaafacadka ka soo baxa xoolaha, waxaan ognhay marka
xoolaha loo iib geeyo diba dhaqaalaha ka soo gala intuu
la eg yahay, sidaa daradeed waxaa haboon in aynu ku
dadaalno sidaan u horumarin lahayn xoolaha ugula
dagaalami lahay cudurada ku dhaca xoolaha, waxaana
xusuus mudan sanooyin kii ugu dan beeyey, sida sanadkii
2000-2002 in xoolaha lagu sheegay inay qabaan cudurka
la yidhaahdo “Daba-karuub” waan a cudur aad halis u ah,
haddii uu xoolaha ku dhacana kama kacaan, xooluhuu ku
dhacana waa la dabar gooyaa, waxaana arintaa soo saaray
hayadaha caalamiga ah. Wixii ka dan beeyey 2002 kana soo
biloow 2003 xoolaha soomaaliya waxaa lagu tilmaamayey
inay qabaan cudurka “ Rift Valley Vefer” isla cudurkana
waxaa laga xayiray xoolihii loo iib gaynlahaa dibada,
waxaana cudurkaa cadeeyey hay adaha caalamiga
Haddaban
cuduradaa iyo dhibaatooyinka ay wataana waxay sababeen
inay aad hoos u dhigeen ama curyaamiyeen dhaqaalaha
dalka Soomaaliya oo ku xidhan 70% xoolaha nool. Waxaana
muhiim ah in lahelo dowlad dar yeesha dadka iyo xoolaha
nool, si dagaal xoog leh loogu qaado cuduradda ku dhaca
xoolaha iyo sidii loola kaashan lahaa sidii loo hirgelin
lahaa in gobolada, degmooyinka, tuulooyinka iyo miyigaba
in laga qodo ceelal ay ka faa’idaystaan dadka iyo
xoolahaba, madama cadadka roobku uu aad u yaryahay. Iyo
inaan kala kaa shano hayaddaha caalimiga sidaan xoolaha
horumar wayn looga gaadhi lahaa xagga Hiddaha, si loo
xulo xoolo tayadoodu aad u wanaagsan tahay, haddii alle
raali ka noqdo waxaan wax ka taaban doonaa “ REER
GUURAAGA” qofkii talo ku soo darsanaya anigu diyaar baan
u ahay inaan is dhaafsano wixii fikrad ah.
Wareysigaa
oo inoo sii socda waxaan qeybtiisa dambe idiin soo
bandhigi doonaa goor dhow haddii Alla yiraa.
Akhristayaal ruuxii
doonaya inuu la xiriiro Dr. Rashiid M. Yuusuf wuxuu kala
xiriir karaa emailka:
husseinalkud@yahoo.com
janaaale.com