baro
dalkaada hooyo
hordhac:- qoraalkaan
waxaan oogu talo galay inay ka faa,iidaystaan
dhalinta soomaaliyeed ee aan wali nasiibka uyeelan
in waddankooda ay kala bartaan, inkastoo ayna
ahayn in waddan dhan macluumaadkiisa lagu soo
koobo qoraal kaliya, ayaan kasoo qaatay in kooban
Dalka Soomaaliya
waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku
fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2,
waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka
xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga
Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur
galbeedna uu ka xigo dalka Kenya.
Dalka Soomaaliya
waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer
qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu
tahay 3333km. kan koowaad ee ugu xeebta dheer waa
s/africa
Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa
8,000,000 oo qof.
60% dadka Soomaalidu waa dad reer miyi ah , 40%
waad reer magaal ah oo siyaabo kala duwan ooga
shaqaeysto magaalooyinka sida ganacsiga, beeraha,
kaluunka iyo waxyaabo kale
Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa
Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan
afaraadna waa baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee
xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka
Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii
bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee
koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii
Luulyo sanadii 1960kii.
gumaystayaashii africa ee ku shiray baarliin
sanadkii 1884tii waxay dalkeena u qaybiyeen sidaan
1-Gobolada
Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
2-Gobolada
koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
3-Xeebta
Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii
Faransiiska.
4-N.F.D oo
iyadana la siiyay dalka Kiiniya.
5-Iyo gobolada
Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda
Itoobiya.
shantaan gobol
waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya
taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June
sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay,
waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali
galbeed iyo N.F.D.
calankeenu waa buluug ay dhexda ooga taallo xiddig
cad oo shan gees leh, shantaas gees waxa ay
utaagantahay shanta qaybood oo loo qaybiyey dhulka
soomaaliyeed.
Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada
Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix
gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka
Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari,jubada
sare iyo jubada hoose sidoo kale waxaa iyana ku
soo darsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla
sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo
darsameen koonfurta labadii gobol ee xiligaasi
gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka
Waqooyi Galbeed iyo gobolka waqooyi bari waxana ay
isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda siddeeda
gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka
Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer
miyiga ee sanadkii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo
ay timid baahi weyn oo ahayd in la magacaabo
gobollo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu
kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada
dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii
sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka
Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa
iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal
xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen siddeed
iyo toban gobol.
Halkaan
hoose waxaa ku qoran 18ka gobol ee uu ka
koobanyahay waddankeena iyo degmooyinkiisa,
1-
Awdal:-
wuxuu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah
boorame, oo
caasimadda gobolka ah
2-
Banaadir:-
oo magaalo madaxda dalka soomaaliya
ah
waxay ka kooban tahay 15 degmo waana kuwan
cabdi
casiis
boondheere
xamar jajab
xamar weyne
hawl wadaag
heliwaa ama huri waa
hodan
kaaraan
shangaani
shibis
waaberi
wada jir
wardhiigley
yaaqshiid
dharkeynley
3-
Bari:-
oo isaguna wuxuu ka kooban yahay sideed
degmo
boosaaso oo
caasimadda gobolka ah
caluula
bandarbeyla
baargaal
qandala
qardho
xaafuun
isku shuban
4-
Togdheer:-
oo isaguna ka kooban afar degmo
burco, waa
caasimadda gobolka ah
buuhoodle
shiikh
oodweyne
5-
Sool:-
wuxuu isaguna ka kooban yahay afar degmo
laas
caanood waa caasimada gobolka
caynabo
xudun
taleex
6-
Galguduud:-
wuxuu isna ka kooban yahay 7 degmo.
dhuusa
mareeb oo caasimadda gobolka ah
cadaado
balanbale
ceelbuur
ceeldheer
caabud waaq
gal hareeri
7-
Hiiraan:-
wuxuu isna ka kooban yahay afar
baladweyne
waa caasimadda gobolka
buula barde
jalalaqsi
matabaan
8-
Gedo:-
wuxuu isna ka kooban yahay todobo degmo
garbahaarey
oo caasimada gobolka ah
baardheere
beledxaawo
doolow
ceelwaaq
luuq
hargeysa oo
caasimadda labaad ee soomaaliaya ah, isla
markaana ah caasimadda gobolka
dacar budhuq
ber bera
gebilay
10- Mudug:-
isaguna wuxuu ka kooban yahay shan degmo
gaalkacayo
oo caasimada gobolka ah
galdogob
xarar dheere
hobiyo
jarriiban
11-
Shabeelada Dhexe:-
wuxuu ka kooban yahay shan degmo
jawhar oo
caasimada gobolka ah
balcad
cadale
aadan yabaal
warshiikh
12-
Shabeelada hoose:-
wuxuu ka kooban yahay siddeed degmo
marka oo
caasimada gobolka ah
afgooye
aw-dheegle
baraawe
kuntiwaarey
qoryooley
sablaale
13-
Baay:-
wuxuu ka kooban yahay shan degmo
baydhabo
waa caasimada gobolka
buurxakabo
diinsoor
qansaxdheere
bardaale
14-
Bakool:-
wuxuu isna ka kooban yahay shan degmo
xudur waa
caasimada gobolka
ceelbarde
rab dhure
tiyeglow
15-
Jubada
dhexe:-
wuxuu ka kooban yahay afar degmo
bu'aale oo
caasimada ah
dajuma
jilib
saakow
16-
Sanaag:-
wuxuu ka kooban yahay afar degmo
ceerigaabo
waa caasimada gobolka
ceel afweyn
laasqoray
badhan
17-
Jubada
hoose:-
wuxuu ka kooban yahay afar degmo
kismaanyo
oo caasimadda 3aad ee soomaaliya ah, isla
markaana caasimadda gobolka
afmadow
badhaadhe
jamaame
18-
Nugaal:-
wuxuu ka kooban yahay afar degmo
garoowe waa
caasimada gobolka
dangorayo
ayl
burtinle
Intaas
waxaa kudhan gobalada iyo degmooyinka
Soomaaliya
f/g. waxaa jiro in burburkii ay keeneen
dagaalada sokeeye kadib, ay maamul
goboleedyadii soo maray dalkeenna lagu
sameeyey gobollo iyo degmooyin cusub, waxaa
kaloo jiro degmooyin ay muuqaalkii degmo ee
ay lahayd uu burburay,sidaas darteed labadaas
arrimood qoraalkayga kuma laha saamayn, oo
waxaan isku taxluujiyey inaanan inaan usoo
qoro sidii ay ahayd kahor 1991dii intii
aanay burburin dawladdii dhexe ee soomaaliya
Wax soo saarka
Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo
badood oo kala ah Badda Cas
iyo Badweynta Hindiya
waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay
Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee
Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr,
magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan
saylac, berbera, caluula, boosaaso, iskushuban
bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka ,baraawe,
kismaayo
Wabiyada dalkeena Dalkan Soomaaliya waxaa mara
labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka
yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga
Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase
ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo
dhererkiisu uu gaarayo 800km.
magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo
qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa
xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka
Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna
soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte,
Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku
dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u
dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu
waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo
la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa
magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib,
Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa
oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo
Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.
madaxweynayaashii
dalkeenna soo xukumi jiray xornimadii kadib waa
sidaan hoos ku qoran
1- Bishii Luulyo
1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan
Cabdulle Cismaan.
2- Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u
noqday Cabdi Rashiid Cali sharmaarke
3-bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u
noqday Max'ed Siyaad Barre
f.g
haddii aad ku aragtaan qoraalkayga wax khaladaad
ah waad iisoo sixi kartaan adinkoo mahadsan
axmed
xasan barkhadle (nairobi-kenya)
ruukac@hotmail.com