JANAALE.COM 
www.janaale.com - SHABAKADII INTERNETKA EE UGU HOREYSAY EE KU SOO BAXDA AF SOOMAALI, INGRIISI IYO TALYAANI   -   KU XAYEYSIISO GANACSIGAADA

 

RADIO LINKS

BBC

11:00

14:00

18:00

RADIO RAI

GR1

 

 

 

SOMALI CALENDER

 

 Home Gallery Music Sport Contact   

 WARKA SOOMAALI

NEWS IN ENGLISH

NOTIZIE IN ITALIANO

 

 

MA OGTAHAY

 

Dalka talyaaniga ayaa waxaa ku soo badanaya marba marka ka dambeysa barashada afka carabiga iyo diinta islaamkaba. Jaamacado dhowr ah ayaa waxa ay bilaabeen koorosyo ku aadan barashada afka carabiga iyadoo isqoristuba ay sannadba sannadka ka dambeeya ay sii kordheyso. Jaamacadda ugu weyn ee lagu barto afka carabiga eek u taala magaalada Napoli ayaa hormuudkeedu waxa uu sheegay in sannad akademiyeedka 2005/2006 uu kordhay boqolkiiba laba boqol iyo konton 250%. Waxaa jira ayuu leeyahay hormuudku in tiradu ay sii badaneyso marka laga soo bilaabo wixii ka 11kii setember ee sannadii 2001. Dadka u kuur gala ayaa waxa ay leeyihiin maaha oo keliya talyaaniga ee xitaa dalka mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey weeraradii setember 11keedii uu badanayo dadka jecel in ay wax ka ogaadaan diinta islaamka iyo dalalka haysta diintaasba. Waxaa kaloo ay leeyihiin waxaa sababay in ay dhallinyaradu ay ku hamiyaan in ay shaqo ku xiran afafka qaar sida afka carabiga, ruushka, shiinaha iwm helaan.

_______________________________________________________

             

 Ma ogtahay akhristow in 7da dhisme ee loogu magac daray 7dii cajiibka badneyd ay shan ka mid ahi ku yaalaan dalal islaam ah. Mase ogtahay in ay hadda yihiin kuwa taariikhdu xusto oo keliya, waxa ayna kala yihiin:

1-       Ahraamta Kheops oo ku taala Gizeh (Masar) waxaa la dhisay  2590-2470 ka hor  Dh.N.C, waana kan keliya ee ilaa iyo hadda taagan.

2-       Taalada Zeus oo ku taalay Olimbia (Griig) waxaa la dhisay toddoba qarni ka hor Dh.N.C, waxaana baabi’iyey dab qabsaday sannadii 462.

3-       Macbadka Artemis oo ku yaaley Efeso (Turkiya) waxaa la dhisay 6 qarni ka hor Dh.N.C, wuxuuna gebi ahaan burburay horaantii qarnigii 4aad.

4-       Dhismihii weynaa ee Halikarnase oo ku yaaley Halikarnese (Turkiya) waxaa la dhisay abbaarihii 325 ka hor Dh.N.C. gebi ahaana wuu burburay.

5-       Beeraha raaraca ee Babilooniya (Ciraaq)  604 – 562 ka hor Dh.N.C, lama garanayo waqtigii iyo sababihii burburkoodii.

6-       Garoonkii taaladii Rhodi oo yaaley Rhodi (Griig), 292 – 282 ka hor Dh.N.C, waxa ay burburtay abbaarihii 224 ka hor Dh.N.C.

7-       Musawacii Aleksandariya wuxuuna ku yaalay magaalada Aleksandariya (Masar), 270 ka hor Dh.N.C, waxaa burburiyey baa qa qiyaasayaa dhul-gariir.

Dhismooyinkaas waxa ay cajiib ku ahaayeen sida loo dhisay iyadoo waqtigaas aysan jirin farsamo iyo qalab casri ah oo u siira gelin karay dadkii wagaa joogay.

F.G. Taariikhdii ka hor dhalashadii Nabi Ciise NKHA. (Dh.N.C) waxaa loo kala hor mariyaa sida ay u kala weyn tahay, ee maaha sida tan maanta oo ah sida ay u kala yartahay.

_______________________________________________________

Í

 Ma ogtahay akhristow in 20 sano laga joogo markii ugu horeysay ee kombutedara cudurka ku dhaca ee loo yaqaan virus la adeegsaday, kaasoo ahaa markaa mid leysugu gudbiyo oo keliya cajaladaha loo yaqaan floppy disc. Dadka kombuterada waxyeeleeya ee lagu magacaabo Hackers ayaa waxa ay maalmahan u dabaaldegeyaan 20 guuradaa oo uu markii ugu horeysay soo saaray nin sameeya barnaamijyada kombuterada oo dhalashadiisu ahayd dalka Bakistaan virus-kaas oo uu ugu magac daray Brain (maskax).

_______________________________________________________

NEW YORK – Gabar mareykan ah Shayna Richerdson ayaa waxa ay ku soo booday baarashuud, markii ay u furmi weysay tii koowaad ayey goysay tijaabisayna in ay furto tii labaad iyadana wey u furmi weysay. Shayna Richardson oo 21 jir ah weliba uur lahayd ayaa xawaare gaaraya 80km/saacadii  iyadoo ku socota dhulka ku soo dhacday weliba wejiga dhulka ku dhufsatay. Haddaba akhristow arrinta yaabka leh waxa ay tahay in waxa keliya ee gaaray ay tahay in ay ka jabtay gacan, bowdo, lix ilkood wejiba horena dilaacay. Waxaa intaa ka sii daran in ilmihii yaraa ee caloosheeda ku jiray aysan waxba gaarin haba yaraatee, wayna ku reysatay 2 bilood iyo afar qaliin oo ay gashay.

_______________________________________________________

Ma ogtahay in dalka Iran ay ka dhacday qiso dad badan soo jiidatay dhegah-ooda, qisadaasoo ah in ay haweeney ninkeedii furay ay maxkamad uga guuleysatay in uu biilo ilaa iyo sannadku marka uu yahay 12,338ka. Waxa ay taasina ku dhacday in markii uu ninku guursanayey naagtan uu meherkeeda u ballan qaaday in uu siiyo 124.000 oo ah lacag dahab ah, balse uusan siin ninkan oo qirtay eeda hase yeeshee sheegay in uusan intaa heli karin ayaa waxa uu garsooruhu ku xukumay in uu tartiib-tartiib u siiyo oo uu bishiiba mid uu bixiyo. Ninkaas ayaa deyntu ka dhamaan doontaa 10.333 sano ka dib.

_______________________________________________________________

Ma ogtahy in barta ugug hooseysa dhulka in ay tahay Bad-yarta dhimatay (Dead Sea) oo ku taala dhulka falastiin, waxayna 395 mitir ka hooseysaa biyaha badda dushooda.

il punto più basso della terra - il mar morto

Bad-yartaas waxaa ku soo dhaca biyaha webiga Jordan, kuwa webiga Arnon  iyo waadiyo kale oo u dhow waxaana la sheegay in aysan ka dhex jirin nolol sababtoo ah waxaa aad ugu badan cusbada iyo macdano kale oo culusba.

_______________________________________________________

 Maxaad ka taqaanaa akhristow tirsiga taariikh sidaha (calender) soomaalida, waa kan halkan ayaan idiinku soo gudbineynaa iyadoo ay u kala horeeyaan sidan:

Dajo, Bulduro-hore, Bulduro-dambe, Rajal-hore, Rajal-dhexe, Rajal-dambe, Sebuux, Waaberis, Soon, Soonfur, Sidataal iyo Carafo. Waxaase xusid mudan in ay biluhu tirsigooda uu la socdo dayaxa, sidaas darteedna ay ku dhamaadaan 29 ama 30 maalmood.  

_______________________________________________________

Akhristow ma ogtahay in dumarka kuwooda ugu adooda weyn aduunka shanta ugu horeysa in ay yihiin:

1)       Condalizza Rice, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Marekanka.

2)       Wu Yi, R/wasaare ku-xigeenkaiyo Wasiirka  Caafimaadka Shiinaha

3)       Yulia Tymosshenko, Ra’iisul wasaaraha Ukraine

4)       Gloria Arroyo, Madaxweynaha Filipin

5)       Meg Whitman, Guddoomiyaga Shirkadda eBay

 

 

Akhristow shirkad Mareykan ah ayaa waxa la sheegay in ay heshiis la gashay hey’adda hawada sare ee Ruushka si marka laga bilaabo 2008 dayaxa loo aado dalxiis. Tigidhka wuxuu qiimahiisu noqnayaa 10 milayan oo doolar. Balse ma ogtahay in hay’adda NASA ay dooneyso in ay dib ugu noqoto dayaxa sannadku markuu yahay 2020 iyadoo markaa wixii ka dambeeya si rigli ah u joogi doonaan, waa sida ya shegeene.  Markii ugu dambeysay ee dayaxa la tago ayaa waxaa ka soo wareegay hadda 32 sano “waa xilligii aanu dib ugu noqon lahayn” ayuu yiri Eric Anderson oo maareeye ka ah Space Adventures.

 

 

La seconda montagna più alta?

Buurta labaad ee ugu dheer dunida ayaa ah K2 oo ku taala qaaradda Asiya (Pakista), dhererkeeduna uu ka sareeyo 8611 mitir  dusha badda, iyadoo ay ka dheer tahay oo keliya Everest laakiinse K2 ayaa ah tan ay dadka buuraha fuula ku tilmaameen tan ugu dhib badan (fuulitaankeeda) iyadoona ay u bixiyeen buurta buuraha. K2 ayaa waxa ay u sameysan tahay sida Piramid ka oo kale ama leh madax fiiqan iyo sal ballaaran. Waxaana markii ugu horeysay lagu guuleystay in cirifkeeda la gaaro sannadii 1954kii.

 

 

Waxaa soo diyaariyey soona uruuriyey:

AMA - janaale.com

 

 

      

 

 

 

              

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

Copyright (c) 2004 Janaale Online

 

 

 

 

 


 

Towjiidka Qur'aanka

Tafsiirka Qur'aan

 

SOOMAALIYEEY NABAD KU SOO NOQO