Waxaa maalintii ay
taariikhdu ahayd 08.09.07 ku yimid magaalada Roma ee dalka talyaaniga
booqasho rasmi ah wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibedda ee
dawladda federaalka ku maal gaarka ah Mudane Xuseen Ceylaabe.
Wasiirka iyo
wafdigiisa oo soo degey aroornimadii ayaa waxaa ku soo dhaweeyey
garoonka diyaaradaha saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha dibedda ee
talyaaniga iyo safaaradda iyo qunsuliyadda ay soomaaliya ku leedahay
magaalada Roma.
Socdaalka wasiirka
ayaa waxa uu la xiriiraa shir ay maalinta khamiista ku yeelanayaan Roma
kooxda xiriirka (Contact Group) e qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxa uu booqday safaaradda iyo qunsuliyadda Soomaaliya ee
Roma isagoo halkaa warbixinno kaga dhegeystay kusimayaasha safaaradda
iyo qunsuliyaddaba.
Maxamed Roberto
Janaale.com - Roma