JANAALE.COM 
www.janaale.com - KU XAYEYSIISO GANACSIGAADA

 

 Home Gallery Music Sport Contact   

Mudane Ceylaabe iyo wafdigiisii oo soo gebagebeeyey booqashadoodii Roma

 

Wafdigii uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee DFKMG oo beryahan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Roma ee dalkan talyaaniga ayaa soo gaba-gabeeyey socdaalkoodii.

Wefdiga oo booqashadooda ay ku saabsaneyd fadhigii Kooxda Xiriirka ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo maalintii isniinta ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibeda ee talyaaniga.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay la kulmeen madax sare oo tirsan dawladda talyaaniga. Wafdiga ayaa waxaa ay isla soo qaadeen wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee talyaaniga Patrizia Santinelli sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo sidii dawladda talyaanigu uga qeyb qaadan lahayd nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Wefdigu wuxuu kaluu kula kulmay wasaaradda arrimaha dibedda ee talyaaniga oo ah  halka loo yaqaan Farnasino, kaaliyada xoghayaha arrimaha dibedda ee mareykanka u qaabilsan Afrika Jendai Frazer iyagoo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya hadda ka taagan.

Danjire Siidow, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasir ku xigeenka tacliinta sare ee DFKMG

 

Weriye Maxamed Robert, Wasiirka Arr. Dibedda iyo Wasiir ku xigeenka Tacliinta sare ee DFKMG

 
Marwa Frazer iyo ku simaha safaarada Abshir

Marwa Frazer iyo consigliere Idor

 

 

Maxamed Roberto, Janaale.com - Roma

 


 

 

 


 

 

 

 

 

 

 

 


 


Copyright(c) 2001 Nritti riserva i.

 
 

 

JANAALE

SHABEELADA HOOSE

BEERAHA JANAALE

BACAAD CELINTA SHALAAMBOOD

DAMEER SOOMAALI

GEED QURAC AH

 

SHABEEL

RAMADAN GREETING CARDS