JANAALE.COM 
www.janaale.com - SHABAKADII INTERNETKA EE UGU HOREYSAY EE KU SOO BAXDA AF SOOMAALI, INGRIISI IYO TALYAANI   -   KU XAYEYSIISO GANACSIGAADA

 

RADIO LINKS

BBC

11:00

14:00

18:00

RADIO RAI

GR1

GR2

GR3

 

SAWIRADA MUQDISHO

 Home Gallery Music Sport Contact   

 WARKA SOOMAALI

NEWS IN ENGLISH

NOTIZIE IN ITALIANO

 

 

TACSI IYO TAAKULEYN

 

INNA LILAAH WA INNAA ILEYHI RAJICUU, anigoo ka tiiraanyeysan ayaan waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo dhamaan dadweynaha soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya dadkii naf iyo maalba ku waayey badgariirkii dhawaan soo gaaray dalkeena qeybo ka mid ah.
Taa waxaa ii raaca, dhibaatada fogaatay ee dalkeena waxa ay dhalisay kalsoonidii dhexdeena ahayd oo yaraatay waxaana hubaal ah in ay tahay lagama maarmaan in dib loo dhiso kalsoonidaas. Ummaddoo is gargaarta waxay dhalisaa kalsooni, is jacayl, wada tashi, horumar iyo xag Alloo dambi dhaaf iyo ajar Aakhiro laga helo.
Waxaa ina soo maray fursado badan oo aan ka faa’ideysan weynay kuwaasoo isukaaya soo dhoweyn lahaa, haddaba dhibatadan ka dhalay badgariirka ee khasaarehiisu wax ka soo gaareen dad soomaaliyeed ayey tahay in aanu u wada gurmano ururada bulshada, culimaa’u diinka, hey’adaha samafalka ee wadaniga, qurba joogta iyo ganacsatadaba.
Dadkeenu waa in ay bartaan in aan dawlad ama gargaar dibedeed uun wax laga sugin e ay bulshadu is ababushaa. Khasaarahaa badgariirku geystay waa wax laga argagaxo oo aad u dhibaata badan, hadana waa fursad aan wax isugu qabanno ee yeysan taa ina dhaafin.



A.M. Abtidon

abdurahman mohamed abtidon
amabtidoon@hotmail.com

 

 


 

 

 

 

 


 


Copyright (c) 2004 Janaale Online

Towjiidka Qur'aanka
Tafsiirka Qur'aan

Waqtiga Salaadda

JANAALE

SHABEELADA HOOSE

BEERAHA JANAALE

BACAAD CELINTA SHALAAMBOOD

DAMEER SOOMAALI

GEED QURAC AH

 

SHABEEL