Qoraalkan
waxaan uga hadli doonaa marxallada maanta waddanku ku sugan yahay iyo in
loo baahan yahay in laga doodo ama wax la iska warsado sababaha kalifay in
marxalladdu ay sidaan ahaato
Waxaan si
gaar ah talo uga bixin doonaa waxa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed.
Haddaba qoraalku waxuu ka hadli doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:-
1. Maxkamadaha
Islaamiga ah,
2. DFKMG ah,
3. Quwadaha shisheeye
4. Dib u heshiisiinta lagu talo jiro.
5. Maxaa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed
6. Gunaanad
1. Maxkamadaha
Islaamiga ah:-
•
Maxkamadaha Islaamiga ah waxaan shaki ku jirin inay wax weyn u qabteen
ummadda soomaaliyeed muddadii ay maamulka hayeen (June 2006 illaa December
2006). Qoraal ay soo saareen Chatham House (oo ah hay’ad madaxbannaan oo
arrimaha dibedda kala talisa waddanka UK) bishii April 2007 waxey ku
sheegeen waqtigii maxkamadaha waqti dahab ah oo soo maray Somalia (Golden
Age). Iyadoo lagu faani karo guulihii iyo nabadgelyadii ay soo celiyeen
maxkamadaha haddana waxaa habboon in la is warsado sababaha keenay
burburkooda, si looga qaato waayo aragnimo buuxda, loona saxo qaladaadkii
jiray si aan mustaqbal loo gelin qaladaad noocaas oo kale ah.
• Wanaagii
maxkamadaha halkan laguma soo koobi karo ha noqoto dhanka nabadgelyada,
dhanka ka fogaanshaha qabiiliga, dhanka soo celinta adeegyada bulshada iyo
rajada ah in ummadda soomaaliyeed ay isku tashan karaan. Aniga waxaan
fursad u helay inaan ku tago caasimadda waddanka Muqdisho dhamaadkii June
iyo bilowgii July 2006, oo aan fursad u helay aan ugu kuurgalo arrimaha,
lana fariistay madaxdii ugu sareysay ee maxkamadaha islaamiga ah iyo
weliba saraakiisha shabaabka sida Ceyrow, islamarkaana aan sidoo kale la
fariistay aqoonyahanada soomaaliyeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee
magaalada Muqdisho.
• Walow ay
wanaag fara badani jirtey, haddana waxaa iyadana jirtey khaladaad fara
badan oo haddii lala imaan lahaa qorshe wanaagsan la sixi karay.
Qaladaadkaas qaarna waxey ahaayeen kuwo fudud, sida fiirsadasha kubbadda
cagta ah oo qaar ka mid ah maxkamaduhu ku kaceen, walow mas’uuliyiinta
sare ey noo sheegeen inaysan siyaasaddoodu ku jirin. Qaladaadkii waaweynaa
iyagana waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta maxkamadaha iyo saraakiisha
militariga oo aan wada socon una dhaqmin hab maamuus keeni karay kala
danbeyn iyo maamul wanaag, kaasoo markii danbe keenay burburka maxkamadaha.
Qilaafkan ayaan aniga u aaneyn karaa lafdhabarka burburka maxkamadaha oo
qilaafkan ayaa keenay in mas’uuliyiinta maxkamadaha ay la iman waayeen
siyaasad cad cad oo ay ku wajahaan la heshiisiinta DFKMG ah ama caalamka
intiisa kale. Qilaafkan ayaa isna sabab u ahaa in maxkamadahu ay ku fidaan
waddanka gudihiisa tanoo soo dedejisay burburkii maxkamadaha.
• Sidaas
daraadeed maxkamadaha islaamiga ah waxey ku lahaayeen qeb dhan 3 meelood
meel (1/3) burburkii ku yimid iyaga iyo waddankaba.
2. Dowladda
Federalka ku meel gaarka ah
• Shirkii
Eldoret iyo Mbegathi oo ka dhashay DFKMG ah waan la wada soconaa oo ma
aheyn shir soomaalidu u madax bannaanaayeen, oo waxaa aad ugu weynaa fara
gelinta dowladda Ethiopia. Shaqsiyaadkii tegay goobta oo keliya ayaa garan
kara sida loo bahdilay soomaalida sheeganeysay inay mas’uul ka yihiin
waddanka. Waxaad arkeysay hoggaamiyeyaal daba ordaya saraakiil Ethiopian
ah. Aragtida gaaban ee mas’uuliyiintii ka qeybgalay shirka iyo khilaafka
dhexdooda ah ayaa keenay in saraakiisha Ethiopianka ay sidey rabaan u
maamulaan shirka oo waxaa iigu darneyd markaan arkay aqoonyahanno
soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah oo loo diiday inay shirka ka
qeybqaataan, islamarkaana hoggaamiyeyaasha kooxuhuna ay taageereen
fikirkaas iyagoo ka cabsi qabay in aqoonyahanadu la wareegaan maamulka
shirka. Arrimahan ayaa sabab u ah horumar la’aanta DFKMG ah ee maanta jira.
• Iyadoo
sidaas ay tahay ayaa haddana ummadda soomaaliyeed oo aan anigu ku jiro la
soo dhoweeyey DFKMG ah loona arkay in dhismo dowladdeed ay lama huraan
tahay, khaladdaadkana ay saxmi karaan. Waxaa loo arkay in DFKMG ah looga
gudbi doono nabadgelyo xummada waddanka ka jirtay. Waxaana iyadana la
ogsoonyahay in DFKMG ah ay mar hore burburi laheyd haddaan Ethiopia ku
mintidin. Waxaad moodaa in Ethiopia ay daraasad wanaagsan ku sameysay
siyaasadda soomaaliya oo xulasho cajiib ah u xulatay mas’uuliyiinta DFKMG
ah oo iyaga danta Ethiopia ka horumariya tan Soomaaliyeed. Waxaa muuqatay
in dhowr jeer oo khilaaf ka dhex dhacay mas’uuliyiinta ugu sareysay oo
wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia uu si waadix ah u soo dhexgalay una
dhameeyey khilaafkii jiray.
• Hay’adda
International Crisis Group (ICG) ayaa maqaal ay qoreen 21 December 2004 ka
dib doorashadii Madaxweynaha ayaa waxey ku sheegeen in Somalia ay
dagaaladu socon doonaan iyagoo wejiyo kale leh”Continuation of War by
Other Means?” DFKMG ah lama iman aragti dheer oo ku wajahan waddanka iyo
shacabka soomaaliyeed oo kalsooni gelin karay ummadda soomaaliyeed.
Arrimahan waxaan u aaneynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha oo labadaba
ku weyntahay raaligelinta Meles Zenawi una muuqda inay ka amar qaataan.
Waa hubaal in Meles uu ku caawinay inay qabtaan jagooyinkan, haddana waxey
meesha ka saareen in mas’uuliyadda ay u hayaan ummadda soomaaliyeen,
mudnaantooda koowaadna ay tahay sidii waddanka ay u gaarsiin lahaayeen
horumar iyo barwaaqo. Aniga shaqsiyan ma qabo in mas’uuliyiintan ay keeni
karaan wax horumar ah xitaa haddii shacabka oo dhan ay la shaqeeyaan,
waayo kama muuqato falalkii hoggaan wanaagsan.
• DKMG ah
waxey ka faa’iideysan weysay fursaddii maxkamadaha islaamiga ahi ay
nabadda ugu soo celiyeen caasimadda waddanka. DFKMG ah waxey la imaan
weysay qorshe dib u heshiisiineyd ay ku hantaan maxkamada islaamiga ah.
Xildhibaan ka mid ahaa xildhibaanada oo kala shaqeeyey madaxeynaha sidii
la isagu xiri lahaa maxkamadaha iyo DFKMG ah ayaa ii sheegay in
madaxweynaha uu markii hore raalli ka ahaa in lala heshiiyo maxkamadaha oo
xitaa uu ogolaaday in 100 ergo oo ka socota maxkamaha ay yimaadaan
baydhabo oo la furo wada hadal, ha yeeshee madaxeynaha ayaa u socdaalay
safar dibedda ah (Ghana) soona maray Addis Ababa ayaa markuu yimid u
sheegay xildhibaanadii diyaarinayey sidii maxkamadaha loola xaajoon ahaa
inay joojiyaan dadaalka ay wadaan kuna yiri la heshiin meyno maxkamadaha.
Tanoo fasireysa in Addis ababa laga soo amray.
• DFKMG ah
waxey door bideen inay ciidamada Ethiopia u fasaxaan waddanka oo ay
laayaan soomaali, iyagoo sheeganaya inay matalaan soomaalida. Waxey garan
waayeen in Somaliya ay u baahantahay isbedel dhan walbo ah oo ay ugu
horreyso shacabka soomaaliyeed oo dantooda laga fikiro.
3. Quwadaha
Shisheeye
•
Soomaaliya weligeedba loolanka quwadaha shisheeye wuu ku xoog badnaa
wallow ay marxaladuhu aad u kala duwanaayeen. Ka dib isticmaarkii Somaliya
dowladihii soo maray oo dhan waxaa qasab ku aheyd inay ku xirnaadaan
quwado shisheeye ha noqoto xag dhaqaale ama xag siyaasaddeedba. Ka dib
burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ayaa sababtay in Ethiopia ay straatejid
fog ka yeelato Somalia ayna ku dadaashay xal kasta oo keeni karo inaysan
Soomaalida isu iman, haddii ay isu imanayaana ay gacanteeda ku jiraan.
Waqtigii Ali Mahdi waxey la safatay Ceydiid, ka dib markii Ali Mahdi iyo
dowladdiisii burburtay oo ceydiid uu noqday quwad militari xoogan leh,
haddana wey ka safatay oo waxey taageertay hoggaamiye kooxeedyadii jiray
sida Muse Sudi. Waxaa ku xigtay inay Hussein Ceydiid dagaal ku soo
hoggaamisay, xoogna uga soo saartay gobolada Bay iyo Bakool. Heshiiskii
Masar waxey ku burburisay Soodare. Dowladdii Cartena waaba la ogaa waxii
ka dhacay oo waxey abuurtay SSRC. Ka dibna doorashadii DFKMG ah waan la
soconaa inay taageertay Mohamed Dheere.
• Sidaas
daraadeed Ethiopia straatejiyadeedu waxey aheyd mid muuqata oo aad u cad
cad. Waxeyna ka faa’iideysatay hoggaan xumada heysata ummadda soomaaliyeed,
si fiicanna u fahamtay isticmaalka kaarka qabiilka oo u noqday aalad ay u
isticmaasho ummadda soomaaliyeed. Qofkii shaki ku jiro in Ethiopia aysan
dano gaar ah ka leheyn soomaaliya waxaa tusaale ugu filan inay taariikhda
17kii sano ee u danbeeyey ey dib u jaleecaan iyo sida ay ula dhaqanto
soomaalida kelinka 5aad marka loo fiiriyo kuwa Kenya. Waxaa u sii dheer
inay si fiican u isticmaashay kaarka la dagaalanka argagixisada caalamka.
Tan oo keentay in Mareykanka uu nal cagaaran u ifiyo. Isticmaalka Ethiopia
ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada caalamka ma aha mid hadda
bilowday.
•
Mareykanka oo ka naxsan dharbaaxadii ku dhacday dagaalkii Ceydiid ayaa
weligiisba si taxadar ah u eegayey arrimaha soomaaliya. Waxaan shaki ku
jirin in mareykanka uu in muddo ah uu raadinayey fursado u saamaxa inuu
soomaaliya arrimaheeda wax ugu qabto, haddana ma siinin fursad dhamaadkii
shirkii Kenya iyo doorashadii DFKMG ahba oo waxuu si cad ugu sheegay
inuusan taageereynin illaa ay ka tagaan waddanka oo ay ka sugaan nabadda
soona celiyaan nidaam dowli ah. Dhanka kale mas’uuliyiinta DFKMG ah waxey
ku haminayeen in caalamku taageerayo is ay nabadda u soo celiyaan una
dhisaan nidaam dowlad. Haddaba waa arrintan arrimaha dhaliyey in DFM\KMG
ah ay noqoto mid fadhiid ah oo aan akhrin karin aragtida caalamka.
•
Maxkamadaha Islaamka markii ay Muqdisho nabad ka dhigeen, kana ceyriyeen
hoggaami kooxeedyadii Muqdisho, ayaa si deg-deg ah caalamku diiradda u soo
wada saaray arrimaha Soomaaliya. Waxaa isla markiiba uu Mareykanku ku
dhawaaqay Somalia Contact Group oo in muddo ahba kulmayeen. Nasiib darro
waxaa noqotay in Maxkamadaha ay fahmi waayeen ifafaalayaashii caalamku ku
wajaheen arrimaha Soomaaliya. Ethiopia ayaa fursad ka dhigatay
dhega-adeyga Maxkamadaha gurbaan weynna u tuntay in Maxkamadaha ay xirriir
la leeyihiin Al-Qaacida iyo inay marti geliyaan 3 ruux oo mareykanku
danbiyo u heystay. Arrimahan ayaa waxey soo dedejiyeen dagaalkii
Maxkamadaha Islaamiga iyo Ethiopia oo uu mareykanku si xoog leh u
taageerayey.
• Caalamka
oo uu ugu horreeyo Qaramada Midoobay kuna jiraan saxaafadaha galbeedka
waxey kuligood ka sinaayeen in lag aaamuso faragelinta Ethiopia iyo
xasuuqa ummadda soomaaliyeed.
4. Dib u
heshiisiinta:-
•
Madaxweynaha DFKMG ah siduu ugu hayey cadowga waa laga guuleystay wax
dib-u heshiisiin la yiraahdo ma jrito ayaa uu mar qura isbedel weyn ku
yimid ka dib markii shirkii AU ee ka dhacay Addis ababa lagu amray inuu
oggalaado. Arritan ayaa waxaa ku xigay inuu kulankii baarlamaanka ee
dhacay 1 March 2007 uu magacaabo guddi uu ku sheegay heer qaran yirina waa
guddi madax bannaan uuna madax uga dhigay Mudane Ali Mahdi Mohamed.
• Guddiga
dib-u heshiisiinta ayaa fursadda markiiba ka faa’iideystay oo Ali Mahdi
oggolaaday xilka, ha yeeshee tan iyo markaasba u dhaqmayey inuu ka tirsan
yahay DFKMG ah. Mas’uulka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Africa, Jenday
Frazer ayaa si buuxda uga hadashay arrimaha dib-u heshiisiinta siisayna
kaalmo buuxda Ali Mahdi una sheegtay inuu madax bannaan yahay oo DFKMG ah
aysan wax shuqul ah ku laheyn. Ha yeeshee waxaan aragnay Wasiirka Arrimaha
Gudaha oo idaacaddaha u sheegaya in shirka dib u heshiisiinta uu baaqday,
islamarkaana uu wasiir ku xigeenka dib- heshiisiinta uu ka daba hadlay
sheegayna in shirka uusan dib u dhicin. Waxaa ku xigtay in Ali Mahdi uu
maalin ka hor baajiyey kulanka. Ali Mahdi ma sameysan hay’ad madaxbannaan
oo xafiis madax bannaan leh una shaqeeya ummadda soomaaliyeed. Ma sameysan
aqoonyahanno u sameysa daraasad iyo diyaar garow la xirriira shirka. Weli
ma uusan soo bandhigin qorshe cad cad oo uu ugu baaqayo dhammaan kooxaha
iska soo horjeeda inay miiska wada hadalka wada yimaadaan. Balse waxuu
dhowr jeer idaacadaha ka cambaareeyey shaqsiyaad muhiim u ah shirka dib u
heshiisiinta. Ma aheyn Ali Mahdi inuu u jawaabo shaqsiyaadka iska soo
horjeeda amaba dhaliila isaga iyo howshiisa, waxey aheyd inuu u muuqdo
shaqsi madax bannaan oo ka hadli kara arrimaha iyo dhibaatooyinka shacabka
soomaaliyeed lagu hayo. Waxaa muuqaneysay inuu waqti badan geliyey la
kulanka mas’uuliyiinta DFKMG ah halka uu waqti isla eg gelin lahaa la
xirriirka kooxaha iska soo horjeeda.
• Waxaa cad
in Ali Mahdi fursaddan qaaliga ah uusan uga faa’iideysan si ku habboon ama
ha noqoto isaga sumcaddiisa ama danta guud ee ummadda soomaaliyeedba.
Aniga aragtideyda kooban ma filayo in shir dib-u heshiisiin uu marxaladda
waddanka maanta ku jiro uu ka qabsoomi karo Muqdisho iyadoo ay joogaan
ciidamo Ethiopian ah.
5. Maxaa la gudboon
Sh. Sharif Sh. Ahmed.
• Ummadda
soomaaliyeed meel walba oo ay joogto aad bey ula dhaceen hoggaankii
suubanaa uu Sh. Sharif Sh. Ahmed la soo baxay xilligii ay Maxkamadaha
Islaamiga ahi ay maamulayeen caasimadda iyo koofurta waddanka inteeda
badan. Xitaa waxaa soo dhoweeyey soomaalida inteeda kale sida Somaliland
iyo Puntland. Caalamka ayaa isna soo dhoweeyey hoggaanka Sh. Shariif, ha
yeeshee arrimo dhowr ah oo is biirsaday iyo ajendaha Ethiopia iyo
Mareykanka ayaa waxaa suuroobi weysay in Maxkamaduha ay sii waaraan.
• Aniga
waxaan ka mid ah shaqsiyaadka fursad u helay uu kula kulmo Sh Sharif oo
runtii aan ku ammaani karo xirfaddiisa ixtiraamka shaqsiga iyo
bani’aadanimada iyo dulqaadkiisa dhageysiga fikradaha kala duwan.
Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa iyagu jiray ka hor dagaalkii lala dagaalay
hoggamiye kooxeedyada ka dib markii ay ku dhawaaqeen isutag la magac baxay
la dagaalanka argagixisada. Intaas waxii ka danbeeyey Maxkamadaha
dagaalkooda iyo guulahoodaba waxey ahaayeen kuwo isdaba joog ah. Ka dib
guushii dagaalada ayaa waxaa la isagu yeeray 12 urur oo islaamiyiin oo
iyaga dagaalka ka qey qaatay loona sameeyey gole shuuro ah oo ka kooban 88
xubnood. Maxkamadaha Islaamiga ah waxey ku lahaayeen tiradaas 21 xubnood.
Isu taggan ayaa waxey doorteen Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu u noqdo
hoggaamiye. Marka waad garan kartaa mas’uuliyadda Sh. Sharif waxey aheyd
isu heynta ururaddan isu tagay iyo hoggaaminta guud ee waddanka. Shabaabka
ayaa qeyb weyn ku lahaa in dagaaladu ay noqdaan kuwo lagu guuleysto,
islamarkaana ay isbedel weyn ku sameeyeen qaab dagaalkii lagu yaqiinay
soomaalida oo lama sheegin xasuuq soomaali ama beelo gaar ah. Arrintan
ayaa dhalisay kalsooni in shacabka laga helo.
• Runtii Sh.
Shariif si hagar la’aan ah ayuu ugu hagar baxay ulana yimid hoggaan suuban,
lehna aragti dheer. Ha yeeshee dhowr arrimood oo is biirsaday oo ay ka mid
yihiin, khibrad la’aanta guddiga intiisa kale, xirriirka Shabaabka iyo
maamulka guud oo aan aad u wanaagsaneyn, sida lama filaanka ah oo ay
guushu ugu timid iyo dhaqanka soomaalida ayaa keentay in ay fara badaan
mudnaanta halka ku habboon. Sidoo kale siyaasad la’aanta ku wajahneyd la
heshiisiinta DFKMG ah iyo dhaqanka shabaabka ayaa waxey intaba fursad
siiyeen Ethiopia inay kaarkeeda la dagaalanka argagixisada miiska soo
saaraan si fiicanna uu ugu gadmo.
• Si
kastaba ha ahaateen Maxkamadihii meesha waa ka baxeen oo Sh Shariif iyo
mas’uuliyiintii kaleba dibedda waddanka ayey yimaadeen. Qaladaadkii
kalifay burburka Maxkamaddaha waxaa sii wehliyey in maanta uu Sh. Shariif
Sh. Ahmed joogo Asmara oo aan aniga u heysto inay tahay khalad kale oo
aasaasi ah. Waxaa intaas sii wehliso, maxkamadaha oo dhowaan is wada
cesilay, ha yeeshee ay mas’uuliyiintoodu ay sidii hore ugu soo noqdeen
iyagoon wax isbedel ah sameyn. Tan waxaa sii dheer inaan weli Maxkamadaha
laga helin barnaamij cad oo ay u soo gudbiyaan ummadda soomaaliyeed oo ay
kalsoonida ula soo noqdaan, kaasoo laga filayey inay isbedel buuxa oo dhan
walba ah la yimaadaan, danta guud ee ummadda soomaaliyeedna ay ka
hormariyaan danta gaarka ah ee Maxkamadaha. Waxaa la rabay inay caddeeyaan
inay la midoobayaan soomaalida waddaniyiinta ah iyo aqoonyahanada
soomaaliyeed, iyo inay la yimaadaan straatejiyad ay kula macaamilayaan
caalamka intiisa kale gaar ah Mareykana iyo wadamada geeska Afrika.
• Haddaba markaan
ariimahaas oo dhan aan eegay waxaan kula talin lahaa
Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu ka dhex baxo marxalladda siyaasadda soomaalida
oo uu ka nasto tan iyo muddo inta laga helayo soomaali diyaar u ah inay si
xallaal ah uga hadlaan mustaqbalka waddanka. Waxaana kula talin lahaa inuu
ka soo tago Asmara oo uu yimaado waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo
iyo Yemen.
6.
Gunaanad.
• Qoraalkan
kooban waxaan filayaa inaan si gaaban ugu soo koobay marxaladaha waddanka
soo maray sanadkii ugu danbeeyey, anigoo isku dayey inaan meelo badan
ifiimiyo, haddana waxaa hubaal ah in loo baahan yahay in daraasad dheer
lagu sameeyo arrimaha soomaaliya oo si gaar ah qodob walba looga dodo, wax
la iska wareysto, lana fiiriyo in xal loo heli karo arrimaa murugeysan ee
soomaaliya. Sidaas daraadeed qoraalkan waa mid aan ugu talo galay inaan
dood ku furo, bilowna u noqoto in soomaalida firkirkooda ay la wadaagaaan
ummadda soomaaliyeed.
•
Maxkamadaha Islaamka waqtigoodii dahabiga ahaa waa in la is weydiiyaa
maxaa keenay in aan lagu nagaan. Waxaa jira sababo fara badan oo loo
aaneyn karo burburkii Maxkamadaha oo iyaga ka bari yeelayo, haddana aniga
ma qabo in sidaas looga haro, waayo, taariikhda waa lagu cimri qaataan, si
loo saxo khaladaadkii jiray. Sidaas daraadeed waxaan soo dhoweynayaa in
doodan la furo oo si dhab ah looga run sheego. Tusaale waxaa ugu filan, in
la yiraahdo Mareykanka iyo Ethiopia waligoodba raalli kama noqdeen in
diinta islaamka la isku xukumo. Ha yeeshee waxaa iyadana meesha ku jirto
in la ogaa inay weligoodba raalli ka noqoneyn, sidaas daraadeed maxaa laga
qabtay oo lagu yareyn karay khasaaraha. Su’aalaha la isweydiin karo ayaa
waxaa ka mid ah ma la oran karay Maxkamadaha inay iibsadaan 275
xildhibaanada si danta guud ee soomaaliya loo gaaro? Tani waa iska soo
dhex dhigid si dooda u bilaabato.
• DFKMG ah
waa la ogaa intaan la dooran waxa soo socda, maxaan ka qabanay haddii aan
soomaali nahay. Waxey ila tahay inaan mar walba nahay dad iyaga ku
wanaagsan facil celiska oo markii wax dhacaan baan ka daba boodnaa.
Haddase soomaalidu ma isu diyaarinoysaa mustaqbalka ka dib DFKMG ah waxa
dhici doono, mise waxaa la leeyehay kuwaan ma socon karaan ee iyagaa iska
baaba’aayo, Markey baaba’aanse maxaa noo diyaarsan. Waxaad moodaa hal
adeyga Madaxweynaha inuu u suuro galiyey inuu marxalado badan u dhago
adeygo, haddesse waxuu yiraahdaa si domoqraadi ah ayaan u tartamayaa 2009.
Arrintan waxey ku tuseysaa aragtida dheeri haba qalafsanaatee in la gaaro.
Tan kale oo isweydiinta leh waxey tahay DFKMG ah ma qabiil baa lagu diidan
yahay, mise is xasid iyo is inkirid baa lagu diidan yahay. Arritan waa
lagu wareerayaa oo waxaad is leedahay maxaa keenay in Puntland aad looga
taageero dowladda, haddiise Madaxweynuhua uu joogi lahaa Puntland oo uusan
u tartami laheyn jagada Madaxweynenimo waxaa badnaan lahaa mucaaradkiisa
uu ku leeyahay Puntlan. Si kastaba arrimaha waa is dhex yaacsan yihiin, oo
dadka ku dooda Hawiye baa diidan DFKMG ah maxey ku fasirayaan Gedi, Gacmo
dheere, Salad Jeelle, Dhimbil, iyo kuwa la mid ka ah ee ku jira DFKMG ah.
• Anniga
aragtideyda waxaan u arkaa in Soomaalida aysan inteeda badan waxba isku
oggoleyn, oo xaasidnimadu ay ka weyntahay wax walba, qabiilkana loo
kaashado marka wax la burburinayo. Weli ma arag beel inta isku timid wax
isla meel dhigtay ku heshiisay, wanaag u horseeday shacabka, gobolada ay
degen yihiin ka dhistay isbitaallo, skuulo iwm.
• Arrimahan
oo dhan waxaa looga gudbi karaa hoggaan wanaagsan oo suuban fahmi kara
meesha uu hiigsanayo, lana yimaado cadaalad iyo sinnaan. Habka keliya ee
lagu heli karo arrintan waa in Qaramada Midoobay ay u codeeyaan in
Soomaaliya la geliyo trusteeship waddankana la keeno ciidamo ka socda
qaramada midoobay, maamulka UN kana uu dhiso haykalkii dowladnimo. Muddo
la isla gartey ka dibna waddanka maamulkiisa loo soo celiyo Soomaalida.
Mr Abdirahman
Omar Osman (Eng. Yarisow)
London
E-mail:-
Yarisow70@hotmail.com
This e-mail address is being protected from
spam bots, you need JavaScript enabled to view it